![]() |
WATERFORDRAPE & SEXUAL ABUSE CENTRE |
|
ADEEGYADA AANU BIXINOMid mid u talosiin ku waajahan/loo sameeyay gabdho ama wiilal ka bad baaday xadgudub galmo wakhtiigii caruurnimada, iyadoo aan loo eegaynin in xadgudubku ahaa dhawaan ama mudo hore. Talosiinta wakhtiyada adag ee dhibanayaasha la kufsaday ama loo gaystay xadgudub galmo. Counselling for people who have been subjected to sexual harassment. Caawinta rafiiqyada aan waxba dhibaatayin, waalidka iyo qaraabada dhaw ee kuwa kabadbaaday. Waxaanu u raacnaa dhibanayaasha markay dhakhtarka tagayaan, Gardaí* ama maxkamada, hadii ladalbado/loobaahdo. Kuwayaga tabaruca ah ee tababarani waxay caawiyaan dhibanayaasha lakufsaday ama loo gaystay xadgudub galmo kuwaasoo yimaada Unuga Daaweynta Waxyeelaynta Galmada ee Cisbitaalka Waterford Regional ee baadhitaanka. Wakhtigan, dhamaan lataliyayaashayadu waa dumar. |
WAA MAXAY MICNAHA TALOSIIN?Lataliyayaashayadu waxay siiyaan caawimo, adeeg xirfadyahan oo aan Talosiintu waa hab lagaga hadlayo dhibaatooyinka shakhsiga/qofka ugaarka ah si joogto ah. Adiga iyo lataliyahaagu waxaad abuuri doontaan xidhiidh ku sargo’an/waajahan amaanka iyo kalsoonida. Tallaabadaada waad baadhi kartaa saamaynta ay dhibtaatadu kugu yeelan lahayd, oo talosiintu way ku caawin doontaa markay timaado xaaladaha wakhtiyadii hore eed soo dhaaftay oo waxay kuu ogolaandoontaa inaad horusocod samayso ilaa mustaqbal aad u wanaagsan. Si kastaba ha u adkaato xalinta waxyeelayntaadu DAWWADU WAA SUURTAGAL. Anagoon ahayn adeeg caafimaad, majirto dhakhaatiir joogta xaruntayada oo sidaa daraadeed ma bixino adeeg baadhis caafimaad ah. |
SomaliNasiib daro mahaysano lataliye ku hadli kara luuqadadaada markaa waxaanu isticmaalaa adeegyada turjubaanka telefoonka. Tani waxay si fiican ugu shaqaysay macmiishii/loo adeegayaashii hore noo soo maray. |
InformationLambarada kale ee lala soo xidhiidho ee la isticmaali karo: Garda Station 051 874888 *Gardaí waa erayga booliis ee Irishka.
|
Nagala Soo XidhiidhLambarkabilaashka ah: 1800 296 296 |
||||
|
KALSOONIYAD Waxkastoo lays ku sheego/lays ogaysiiyo marka kulanka talo isasiinta waxa loo tixgalin doonaa sir. Sikasta ha ahaatee, waxaan ku jirin laba xaaladood:
Labada xaaladoodba lataliyahaagu wuxuu kuu sharixi doonaa sababta ay khasab/muhiim utahay in la jabiyo kalsoonidii intaan wax ficil ah samaynin ka hor.
|
||||||||